1- Qor qorshahaaga ama waxa aad rabto in aad xaqiijiso
In aad qorto qorshahaagu waa muhim, waayo waxay kaa caawinaysaa in aad xasuusnaato marwalba, sidoo kale qorida qorshuhu waxay kuu noqonaysaa dhiiri galin, waxaad ka helaysaa tamar aad ku socoto ilaa intaad gaadhayso qorshahaaga.
Waxa la sheegaa, in dadka boqolkiiba 3% ka mid ah uun ay samaystaan qorshayaal, ay rabaan in ay rumeeyaan mustaqbal, halka boqolkii ba 1% ka mid ah, ay iyagu qorshayaashooda qoraal u bedelaan.
Taasi waxay ku tusaysaa, in ay san qorida qorshuhu, wax sahlan ahyn, oo dad koo dhami samayn karo. Sidaa darteed, si aad dadka intiisa badan uga duwanaato, waa in aad is barto daceecada ah qorida waxa aad rabto inaad qabato, intuu doono ha lee kaadee waxaad isku daydaa inaad qorto.
Waayo qorida qorshahaagu waa qayb kamida rumaynta qorshahaaga.
2- U bedel Qorshahaaga shaqo maalinle ah
Marka aad qortid ka dib qorshahaaga qaybo yar yar u qaybi, si maalin walba aad qayb yar oo qorshahaaga ka mid ah aad rumayso
Tusaale, hadii aad rabto in aad quraan ka kariim kaa dhamayso 3 bilood ba mar, marka hore waa in aad 30 ka jus ee quraan kaa aad u qaybisaa 3 dii bilood , bil walba waa 10 jus oo quraan ah inaan akhrido, hadana 10 jus markaad uqaybiso 30 ka maalmood ee bisha maalin walba waa inaad aqrido 6.5 bog oo quraan ah, waayo jus waliba waxa uu ka kooban yahay 20 bog oo quraan ah.
Tani waxay kaa caawinaysaa inaad maalin walba qayb kamid ah qorsha haagii waynaa aad gaadho.
Hadaba sidaa si la mid ah waa inaad qorshahaagana u kala qaybisaa qorshayaal yar yar oo aad si maalin le ah aad u qabto.
3- Ka fogow wax kasta oo kaa hor is taagaya inaad gaadho qorshahaaga
Suurta gal maaha,adiga oo aan waxa caqabada ku ah gaadhida qorshahayaashaada aan ogaan, kadibna iska dayn,in aad gaadho qorshayaashaada
Halkaa waxa inooga cad in qorsha walba oo aad rabto inaad gaaadhaa, uu yeelan karo caqabado ku hareeraysan, oo kaa hor is taagi kara ama kaa xanibi kara inaad gaadho. Sidaas darteed, waxaad u baahantay inaad yeelato, goaan adag oo aad kaga gudbi karto caqabadahaa.
Si aad uga gudubto caqabadahaas, waxa laga yaa baa inay kugu qaadato wakhti badan, waxa sidoo kale laga yaabaa, ina kaa joojiso wax badan oo aad jeclayd, hadana in taaso dhan waxa ku ilawsiin doona gaadhida hadafkaad dhigatay.
Guusha dhabta ahi waa, in aad naftaada ku hogaamiso, samynta waxa aad rabto, maaha waxa ay iyadu rabto.
4- Qiimee oo la soco mar walba halka qorshahaagu marayo
Daba galku, waa qaybta ugu muhiisan, ee aynu qaban karno in ta ayanu ku jirno rumaynta qorshayaasheena, inta aad qiimayn iyo dib u eegid, ku samayso qorshihii kuu dajisnaa, boqolkiiba in tee ayaad ka gaadhay, waa inta aad ka ilaaliso,dib u dhaca ku iman lahaa rumaynta qorshahaaga, mar kasta, oo aad badiso qiimaynta halka aad ka timid iyo inta kaaga hadhay gaadhida qorshahaagii, waa markasta oo aad u sii dhawaanayso rumaynta qorshahaaga.
Waxa laga yaabaa, inay kugu adkaato inaad si joogto ah aad u qiimayso qorshahaaga. Hadaba waxaad is ticmaali kartaa kaartooyin yar yar oo ku xasuusinaya qorshahaaga, wax aka mid ah in aad ku seefgarayso kaalandarka moobilkaaga iyo in aad warqad ku qorto oo aad ku dhejiso meel aad maali walba ka arki karto, sida daaqada qolkaaga, albaabka ama kabadhkaaga dharka.
In aad qiimayso, oo aad la socoto mar walba, halka qorshahaagu marayo, waxay kaa caawinaysa, in aad hore u saxdo wixii kaa khaldama iyadoo aan waxti kaa dhicin.
Qiimayntu waa, wadada aad ku ogaan karto khaladka ku imid wadada ku gayn lahayd qorshahaaga, ka dibna aad u sixi lahayd.
5- Ugu danbayn markaad gaadho qorshahaa diyaari qorshihii ku xigi lahaa.
Isku xigsiinta qorshayaashu waxay ka caawinaysaa inaad joogtayso dadaalka,isla markaan uu dhaqan kuu noqodo, taasina waxay kaa dhigaysaa qof guulaysta, oo waliba dadka ka dhex muuqda.
Waxa aad si fudud ku gaari kartaa, noloshaad ku riyoon jirtay,marka aad barato sida la iskugu xigsiiyo qorshayaasha aad rabto.
In aad qorshe markaad dhamaysaba, ku kale aad ku xigsiisaa ugu danbay waxay kuu noqon doontaa, dhaqan iyo caado wanaagsan oo aad dad badan ku dhaafto.